Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madax ka socota Itoobiya iyo Midowga Afrika oo Muqdisho booqanaya.

Madax ka socota Midowga Africa oo uu ku jiro wasiirka arimaha dibadda Ethiopia Seum Mesfin ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatey saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waftigan waxaa la socdey  Safiirka Dowladda KMG ah u fadhiya dalka Ethiopia ahna wakiilka Somalia ee Midowga Africa C/kariim Faarax Laqanyo ayaa mar laga weydiiyey socdaalkooda ayuu ku sheegey inay ku aadan tahay  in ay taageeraan dowladda KMG ah iyo u soo guuritaankeeda caasimadda, ka dib markii Baarlamanka uu go'aamiyay in Muqdisho ay ku shaqeyso dowladda.

Waxa uu sheegay in ay indha indhayn doonaan xaaladda Muqdisho waxayna haatan kulamo ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada sida waxgaradka, ururada haweenka, ganacsatada iyo culuma udiinka.

Safiirka waxaa kale uu ka hadlay ciidamada Midowga Africa oo qeybtii ugu horreysay soo gaartay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka socday dalka Uganda , qeybta xigtana ay tahay ciidamo ka socda dalka Nigeria oo gaaraya 1000 askari, iyadoo ay xigi doonaan ciidamo ka socda Burindi, Ghana iyo Mallawi.
 

Laqanyo oo ka hadlayey bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa sheegey inay dhamaatey hawshii ay hayeen inteedii badnayd isla markaana ay dalkoodii ku laabanyaan waxaana uu xusey in hawlaha nabad ilaalinta ay la wareegi doonaan ciidan ka socda Afrika oo hordhacoodii uu haddaba ku sugan yahay dalka.


Waxa uu sheegay in 6 bilood ka dib howsha nabad ilaalinta ay la wareegi doonaan ciidamo ka socda Q.M.

Mar uu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho iyo qaraxyada ka dhacaya waxa uu sheegay in la og yahay dadka qaraxyada wada iyo meelaha laga soo abaabulo, dowladda KMG ahna ay wado howlo dhowaan ay ku soo afjari doonto amni darridaasi, isla markaana ay talaabo ka qaadi doonto.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved