| |
Wareysi ku saabsan arrinta uranka
dhalisey ee guddiga doorasha ee soomaaliland
Komishanka xaasha’e kursi jacayl waa ka reebban yahay oo xaaraan buu ka
yahay, qofka Komishanka ku tilmaama kursi jacaylna waa qof aan waxa uu qabto
iyo waxa ay tahayba aqoon.” Sidaa waxa yidhi Md. Axmed X. Cali Cadami,
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee waqtigoodii dhammaaday, balse
aanay sharciyan caddayn shaqo-ka-tegistoodu.
Mr. Cadami oo xalay u warramayey telefishanka madaxbannaan ee Hargeisa Cable
TV (HCTV), waxa uu si cad ugu faahfaahiyey arrimo dhowr ah oo la xidhiidha
muranka sharci ee ka dhashay qaabka loo maray xil-wareejinta Komishanka,
saamaynta khilaafkaasi ku yeelan karo kaalmooyinkii dhaqaale ee
deeq-bixiyeyaashu Somaliland ku siin jireen doorashooyinka iyo mowqifka
Guddigooda ee ku wajahan xal-u-helidda murannada sharci ee dalka ka aloosan.
Haddaba, su’aalaha la weydiiyey Md. Axmed X. Cali Cadami iyo jawaabaha uu ka
bixiyey waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Guddoomiye; Madaxweynuhu wuxuu idinku eedeeyey in aad sii
joogitaanka xafiiska sii jeclaysanaysaan, arrintaa maxaa ka jira?
Jawaab: Komishanka xaasha’e kursi jacayl waa ka reebban yahay oo xaaraan buu
ka yahay, qofka Komishanka ku tilmaama kursi jacaylna waa qof aan waxa uu
qabto iyo waxa ay tahayba aqoon. Komishanku shaqo-raadis ma aha ee waa
karaamo-raadis, waa sharaf-raadis, haddii sharaftaada iyo karaamadaada la
dilana noloshaadu waa xaaraan, in aad dhimato ayaana ka fiican. Hay’adaha
sharci-dejinta ayey u taallaa si alla sida uu ku dhammaado ee ugu dhakhsaha
badan ayuun baa la wada sugayaa.
S:Mar aannu [HCTV) warraysanay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, waxa uu
sheegay in ay caddaalad-darro badan ka tirsanayeen UDUB ahaan Komishanka
xilligii doorashooyinka, markaa ma laga yabaa in waxyaabaha dhacayaa daba
socdaan caddaalad-darro la idinka tirsanayey?
J: Waxa la yidhaahdaa caddaaladda bani’aadamku ma dhammaystirna,
laakiin hawshii dhacday iyo waxay ku dhammaatay haddii ay caddaaladi jirtay
iyo haddii caddaalad-darro jirtayba ilaa goob-joogayaashii ayaa ka
marag-kacay oo sheegay oo ka daba tegi maayo. Waad ogtahay xataa waqtiyada
qaar uu nabadgelyada Komishanku halis galay, marka aad eegto sida ay
hawshooda u gudaneyeen. Bal ka warran haddii adigii 80-ka cod ku helay
doorashadii aad cabanayso, maxaad u malaynaysaa kii 80-ka cod lagaga
guulaystayna? Muxuu yeeli karaa oo ku caban karaa way adag tahay baan
aaminsanahay. Markaa ninkii guusha qaatay anigu cabashadiisa ma dhegaysan
karo.
S: Guddoomiye; waxaad hore u sheegtay in arrimaha dhacay ay
dimoqraadiyaddii Somaliland meel kaga dhacayaan, taasi ma dhacday, mise ma
dhicin?
J: Way dhacday. Uma aaminsani in ummad aan dareen lahayni ku dhaqan
tahay waddanka, waanan ku dhashay, waan ku koray oo waan ka shaqeeyey,
qofkii u qaata in aanay dareen lahayn oo wax kasta la samayn karo waa ku
sirmayaa, laakiin asbaabo badan awgeed shacbigani wax buu dhawrayaa,
dhibaatooyin badan baa soo maray, dhibaatooyinkaa sidaan isleeyahay waad
kaga soo kaban kartaana waa nabadgelyo iyo dimoqraadiyad waarta oo la helo.
Waxaan leeyahay shacbigaa Ilaahay himiladooda ha u rumeeyo oo ha gaadhsiiyo.
S: Waxa beryahan dambe warbaahintu qoraysay in Midowga Yurub doonayo
in uu hakiyo caawimooyinkii uu dalka siin jiray, isaga oo sabab uga dhigay
arrimaha khilaafka dalka ku soo kordhay, maadaama uu idinka [Komishanka]
xidhiidh wanaagsani idinka dhexeeyo ma kala hadasheen arrimahan Midowga
Yurub?
J: Wallaahi; xidhiidhku waa caadi oo maanta adduunka marka xataa
telefoonno laga yimaaddo internet-ka ayaad tegi kartaa oo waxa aad doonto
ayaad ku dalban kartaa, laakiin arrintaasi xasaasiyad bay leedahay oo xataa
jaraa’idka iyo TV-ga ku celcelintiisa midna ma wanaagsana, oo dadkani wax
badan buu u harraadan yahay, oo dimoqraadiyad ayuu u harraadan yahay,
caddaalad ayuu u harraadan yahay, shaqo wanaagsan ayuu u baahan yahay……..
Anigu [Cadami] waxaan leeyahay qodobkaa TV-ga iyo jaraa’idkaba ha laga
ilaaliyo, waana runtii arrin aad xasaasi u ah, dalkuna caawimo aad iyo aad
ayuu ugu baahan yahay, welibana hawlaha qaar haddii aan taakulo dibadeed oo
cilmi iyo dhaqaale ahba la siin waxba ma kala soconayaan.
Jamhuuriya Online
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |
|