Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo  ka hadley socdaal uu ku joogo magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta socdaal ku soo  gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujee oo  socdaalka uu Muqdisho u yimid ay tahay sidii uu wax  uga ogaan lahaa xaaladda caasimadda dalka ee  Muqdisho isla markaana wadatashiyo uu la sameyn lahaa Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Md.Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xaalada magaalada Muqdisho in ay tahay mid aysan jecleysan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in dhanka kale ay tahay magaalo xudun u ah dalka Soomaaliya loona baahan yahay in dhibaatada ka jirta laga wada shaqeeyo sidii looga saari lahaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in imaashahiisa Muqdisho uu aad ugu faraxsan yahay isla markaana marxalada ka jirta uu shacabka Soomaaliyeed la qeybsan doono shacabka.

"Mar haddii ay Magaaladu tahay  caasimadii dalka Soomaaliya, waxaana waajib igu ah inaan shacabka la qeybsado dhibaatada iyo marxalada kasta oo ay ku jiraan dadka ku nool ee shacabka ah waana lagama maarmaan in loo wwada guntado sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amaanka ee caasimadda ayuu ku dhawaaqey  Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay tahay xarunta uu Baarlamaanka KMG ah ku shaqeynayo, balse ujeedada socdaalka uu Muqdisho ku yimid ay tahay booqasho iyo wadatashi.

Sh. Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii xasiloonadii dib loogu soo celin lahaayeen magaalada isla markaana lala shaqeeyo dowladda Federaalka si maamulkii iyo kala danbeyntii dalka uu u soo noqdo.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved