|
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ugu
baaqey xubnaha dibadda ku maqan inay ku soo laabtaan Baydhabo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa
maanta markii ugu horeysay ka hadlay xildhibaanada dalka ka maqan, gaar
ahaan kuwoodii la socday Guddomiyihii hore ee xilka laga qaaday Shariif
Xasan Sh. Aadan kuwaasoo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.
Guddomiyaha oo maanta shir jaraa'id ku qabtay hoygiisa ku yaala magaalada
Baydhaba ayaa faahfaahin ka bixiyay tan iyo markii la doortay waxyaabihii uu
qabtay, isagoo sheegay in go'aano dhowr ah oo Baarlamaanku soo saaray ay
hirgaleen isla markaana la filayo in dhowaan ay xildhibaanadu fasax galaan.
Md.Adan Madoobe Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah mar uu ka hadlayay
Xildhibaanada dibad jooga ah ee ka maqan Baarlamaanka isla markaana ku sugan
dalka Ereteriya ayuu sheegay inay yimaadaan magaalada Baydhaba kana qeyb
galaan howlaha Baarlamaanka, waxaana hadalka Guddoomiyaha uu ku soo aaday
xilli ay soo baxayeen warar hoose oo sheegayay in laga yaabo xildhibaanada
dibad jooga ah laga yaabo in xilka laga qaado kadib kulan Baarlamaan oo cod
loogu qaadayo
Lama oga ilaa iyo hadda waxa ay kaga jawaabi doonaan xildhibaanda dibad
joogga ah ee loogu baaqey inay kusoo biiraan fadhiga baarlamaanka ee ka
soconaya magaalda Baydhabo.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |