|
Diyaaradaha Helicopter-ka
Itoobiya oo duqeyn u gaystey goobo ka mid ah Muqdisho.
Dagaalo xoogan ayaa ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
iyadoo goobo hor leh ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen
waxayna ku sii siqayaan goobo kale oo ciidamada kasoo horjeeda ay rasaas ka
soo ridayaan.
Diyaaraddaha qumaatiga u kaca ee Helicopterska ayaa bilaabay iney duqeeyaan
meelo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugnaayeen
malleeshiyooyin ka horjeeda DKMG ah.
Agagaarka warshada sigaarka iyo taraqa, iyo taliskii hore ee ciidanka
Guulwadayaasha umada iyo xero Jarmalka ayaa diyaaraddaha qumaatiga u kaca
duqeyn xoogan ay ka wadaan iyadoo ay ay gubeen xarumo shidaal oo lagu
taageeri jiray kooxaha maliishiyada kasoo horjeeda dowladda iyo xarumo kale.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dadweynaha sameecadaha codka
dheereeya kula hadlaya iyagoo u sheegaya in aysan dooneyn in waxyeeleeyaan
dadka rayidka balse ay baadigoobayaan kooxaha haraadiga maxkamadihii
Islaamiga ee iska caabinta kula jira dowladda.
Waxaa soo badana khasaaraha uu dagaalkan geystay iyadoo dhowr madaafiic ay
ku dul habsadeen dad ku sugnaa guryahooda ay ku geeriyoodeen tiro gaareyso 8
ruux iyo dhaawaca 12 qofood oo qaarkood dhaawacooda uu aad u culus yahay.
Howlgalkan ayaa waxaa uu yahay mid dowladdu ay ku dooneyso in ay ku xasiliso
amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo horay ay u sheegtay in kahor inta aan la
gaarin shirka dib u heshiisiinta oo maalmo ay ka harsan yihiin qabsoomadiisa
xasilin doonaan amaanka gobolka Banaadir.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |