|
Ingriiska oo digniin u jeediyey
Eritrea ka dib markii 5 ruux British ah lagu afduubey gobolka cafarta.
Laba maalmood ka hor ayey ahayd markii koox ka kooban sagaal qof oo 5 ka
mid ahi ay u dhasheen Ingriiska lagu afdubey dhulka qrfaha ah ee ku yaalla
gobolka Cafarta ee Itoobiya kooxdaasi ayaa la rumeysnaa inay qafaasheen dad
xoolo raacato ah ooka tirsan qabaa'ilka Cafarta.

Sabtidii ayaa afhayeen u hadley dowladda Itoobiya waxaa uu
sheegey in dadkaasi la qfduubey ay kaxeysteen horin ka tirsan ciidamada
Eritrea oo ka soo talaabey xadka kala qeybiya Itobiya iyo Eritrea hadalkaasi
markii uu soo baxay ayaa xafiiska arrimaha dibadda ee Ingriisku wuxuu
digniin siiyey Eritrea una sheegey inay jawaab ka bixyaan dhacdadaas.
Isla maalinamdii Sabtida ayaa Eritrea waxay sheegtay sheegtey inay
eedeyntaasi ay tahay wax aan macquul ahayn waxayna caddeysay inaanay haynin
wax war ah o ku saabsan dadkaas la la'yahay. Dawladda Britain ayaa waxaa
shaaca ka qaadey inay cidanka gurmadka ee wax badbaadiya heegan laga dhigay
si haddii loo baahdo ay u fuliyaan fal kasta oo lagu soo furanayo
diblomaasiyiintaas.
Si kastaba xaalka ha ahaadee waxaa ilaa iyo hadda la la'yahay dakaasi u
dhashey Ingriiska iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in la si daayey
dadkii la socdey ee Itoobiyaanka ahaa, hase yeeshee wax xaqiijinaya taas
lama hayo.
Dadkaas la afduubtay ayaa la sheegayaa in la kaxeystey goor subaxnimo
hore ah iyagoo hurda waxaan loo kaxeystay dhinaca Eritrea ilaa haddana wax
war ah lagama hayo.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |