Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dab qabsadey Diyaarad Military oo ay wateen Ciidanka Afrikaanka ah ee Somaaliya Imaanaya.

Diyaarad ah nooca ay cidamdu isticmaalaan oo siday ciidamo ka socda Midowga Africa iyo qalab Militari ayuu dab qabsaday, xilli ay soo cago dhiganeysay saakay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxay shaaca ka qaadeen in diyaaradda uu dab qabsadey isla markii ay soo dageysey isagoo dabkaasi ka dhacay dhinaca dambe ee diyaaradda waxaana markiiba laga dajiyey qalabkii iyo ciidamii la socdey oo aan sidaasi u badnayn
Afhayeenka ciidamada Midowga Africa ee Somalia Paddy Ankunda ayaa sheegey  in ay jiraan waxyaabo caddeynaya in diyaaraddaasi u dabku ka kacey dhexdeeda wuxuuna yiri  " Waxa aynu heynaa xog cad oo ah markii diyaaradda ay soo dageysay uu dab qabsaday, dabkana uu ka kacay gudaha dhinaca bidix ee diyaaradda".

Waxaana  uu sheegay in aanu jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay halkaasi, isla markaana 7 askari oo Uganda ah oo saarnaa iyo shaqaalihii diyaaradda ay si nabadgalyo ah uga soo dageen.

" Waxaa socda baaritaan la xiriira waxii dhaliyay dabka" ayuu hadaladiisa sii raaciyay.

Diyaaraddaan oo ah nuuca Militariga oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Aljeria ayaa ah markii ugu horreysay oo ay cilad ku timaado tan iyo markii ay bilowdeen howlaha ciidamada Midowga Africa loogu soo daabulayo Somalia.



Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ku saabsan sababihii dhaliyey in dabkaasi ka dhexdhasho diyaaradda iyadoo wadda askar iyo qalab ay isticmaalayeen ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya ka hawl galaya.
 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved