|
Ciidanka Dowladda KMG ah oo
hawlgalo ka fuliyey meelo ka mid ah gobolka J/Hoose.
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay hawlgallo kala duwan ka
sameeyeen goobo kala duwan oo ku yaalla xadka ay wadaagaan wadamada
Soomaaliya iyo Kenya.
Ciidamadan oo markii hore ku sugnaa agagaarka Kismaayo ayaa u dhaqaaqey
dhinaca xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo lagu sheegey in
ay joogaan dad looga shakiyey inay nabadda ka horjeedaan isla markaana waxay
ciidankaasi sifeynayaan Isbaarooyinka lagu sheegey goobahaas.
Col. C/risaaq Afguduud oo wax laga waydiiyay arrimaha ku aadan hawl
galadaasi ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu wax warbixinno ah ka bixiyo
hawlahaasi, waxaana uu sheegay in ay ciidamadu u tageen deegaanadaasi hawlo
amaan.
Ilo wareedyo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in deegaanada ku yaalla
xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay ka imaanayaan warar ku
aadan in ay ku sugan yihiin kooxihii maxkmaadaha.
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa tan iyo Bishii December ee sanadkii hore
waxa ay dagaallo kula jireen Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ahaa ee
gacanta ku hayey badi Koonfurta Soomaaliya waxaana ka fara maroojiyey
awooddii iskaashatey ee ka socotey Itoobiya iyo Dowladda KMG ah oo iyagu
haatan maamula waddanka oo dhan.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |