Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ciidamada Uganda ee Nabad ilaalinta ugu socda Soomaaliya ayaa lagu arkey dekedda Mombasa.

Caadamada Uganda ee kusoo jeeda Soomaaliya iyo qalabkoodii ay wateen ayaa haatan ku sugan dekadda weyn ee Mombasa ee alka Kenya.

Ciidamadan oo ah qeybtii ugu horeysay ee ciidamada ka socda Uganda ayaa lagu keeney halkaasi Tareen iyagoo qeybo kale oo mid ahina ay ku imaanayaan Diyaaadaha Ciidamada qaada.

dowladda Uganda ayaa muddo hore ku balanqaade inay ciidamo u direyso Soomaaliya si ay u taageraan dwladda lagu soo dhisey kenya bartamihii sanadkii 2004tii, waxaana jira dalal kale oo ay ka mid yihiin Nigeria, Ghana, Mali, South Africa iyo Burundi oo ku yaboohay inay ciidamo geeyaan Soomaaliya si ay u caawiyaan Howlaha nabadda ee Soomaaliya.

Cidamada Uganda ayaa la filayaa inay marka hore tagaan magaalada baydhabo o xarun KMG ah u ah dowladda Soomaaliya iyagoo laga yaabo inay usii gudbaan magaalada Muqdisho oo iyadu hadda ah meel aan amaankeeda la isu halleyn karin.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved