|
Baarlamaanka oo u codeeyey in
dowladdu ku shaqeyso magaalada Muqdisho.
Fadhi aan caadi ahayn oo uu yeeshey Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta
waxaa u kaga doodey sidii go'aan looga gaari lahaa in xukuumaddu u
guurto magaalada Muqdisho iyo in kale.
Qorsha guuritaanka waxaa Baarlamaanka usoo bandhigay madaxwaynaha
federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo ka kacodsaday baarlamaanku
inay cod u qaadaan in xukuumaddu degto magaalada Muqdisho.
Wararku waxay sheegayaan in Baarlamaanku markaasi uu cod u qaadey hindisaha
ah in xukuumaddu u guurto Magaalada Muqdisho waxaa halkaasi xubnihii kasoo
xaadirey ay gaarayeen 190 xubnood.
Baarlamaanka ayaa gudo galay inay cod u qaadaan in xukuumaddu degto
magaalada Muqdisho, waxayna cod aqlabiyad ah ku ogolaadeen in xukuumaddu
degto Muqdisho , waxaana diidmo ka muujiyay 9 xildhibaan, waxaana ka aamusay
10 xildhibaan.
Baarlamaanka ayaa sacab kusoo dhaweeyay go'aankan hir galay ee ah in
xukuumaddu ay ku shaqayso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, waxaana
taageeray hindisahaasi 171 mudane.
shirkaasi lagama caddeynin wakhtiga ay dowaladdu usoo guureyso Muqdisho hase
yeeshee waxaa la filayaa in ay noqoneyso xilli aan fogeyn sida laga arkayey
sansaanka uu u dhacayey shirka Baarlamaanku. Madaxweynaha ayaa todobaadyo ka
hor sheegey in shirweyne dib u heshiisiin ah lagu qaban doono magaalada
Muqdisho 16 April waxaana dhici karta inta mudadaasi ka horeysa in dowladdu
u soo guurto Muqdsiho.
Abdifatah M Abdinur
Minnesota
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |