Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Afhayeenkii Madaxtooyada Soomaliland ayaa ku geeriyoodey Hargeysa.

Wararka ka soo baxaya magaalada Hargeysa yaa sheegeya in afhayeenkii Madaxtooyada Soomaaliland Cabdi Idiris Ducaale uu geeriyoodey Saaka markii uu waagu baryey. Marxuum Cabdi Idiris waxaa la sheegey inuu ku geeriyoodey Isbitaal ku yaalla Hargeysa oo lagu magacaabo Edna Hospital.

Ilaa iyo hadda Ma jirto fahfaahin ku saabsan geerida Cabdi Idiris Ducaale oo ka soo baxdey Madaxtooyada Somaliland waxaa la xaqiijiyey inuu Geeriyoodey, Cabdi Idiris Ducaale waxaa uu ahaa Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Muddo dheer isagoo horeyna u ahaan jirey wariye Caan ah oo ka soo shaqeeyey Idaacado kala duwan oo ku hadla Adfka Soomaaliga.

Allaha u naxariistee Cabdi Idiris Ducaale waxaa lagu aasi doonaa isla Magaalada Hargeysa iyadoo la filayo inay aaskiisa ka soo qayb galaan madax iyo Dadweyne aad u farabadaan oo ku nool magaalda Hargeysa.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved