|
Shir balaaran oo lagu taageerayo
shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa ka soconaya Columbus ee Gobolka
Ohio.
Shir si weyn loo soo abaabuley oo ay isugu yimaadeen dadweyne iyo wax
garad ka kala yimid qeybo ka mid ah gobolada Mareykanka ayaa waxaa uu si
wanaagsan uga soconayaa Magaalada Columbus ee gobolka Ohio.
Shirkaasi ayaa waxaa ugu horreyntii furey Mudane Cabdifataax Khaliif oo
ku hadlayey MAgaca golaha midnimada Soomaaliyeed ee Ohio waxaana uu halkaasi
ku faahfaahiyey sida ay lama huraanka u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo
dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed waxaana uu sheegey inuu si aaad ah ula
dhacsan yahay habka loo wado shirka lagu baaqey ee loogu tala galey in
lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadley ku xigeenka Safiirka Soomaaliya
u fadhiya Qaramada Midoobey Mudane Ciid Baddal Maxamed isagoo halkaas k
acaddeeyey hawlaha uu xafiiskiisu qabtey mudadii ay joogeen New York waxaana
uu sheegey inay ay la sameeyeen dalal badan si ay uga dhaadhiciyaan hawlaha
DFMG ah ay ka waddo dalka sidoo kale Ciid waxaa uu sheegey inay jiri karaan
Khalad inuu yimaado waxaana uu sheegey dawladani ay tahay mi dku dadaalaysa
inay dhidibada u dhigto dowlad ka dhalata Soomaaliya dibna u soo celisa
Qaranimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo isaguna madashaas hadal qiimo leh ka jeediyey Dayib
Maxamuud Sheekh oo ah madaxa ururka Chamber of Commerce isaguna
halkaasi ka sheegey inay Soomaalidu u baahan tahay dib u heshiisiin iyo is
fahan si looga gudbo collaadda soo noqnoqonaysa waxaana uu sheegey in
dhamaan loo istaago sidii loo aasaasi lahaa nidaam dowladnimo oo salka ku
haya wax wada qabsi wadajir.

Hadalka waxaa isna qaatey oo makarfoonka lagu soo dhaweeyey Col. Daahir
Ciid oo isaguna sheegey in dadka Soomaaliyeed ay u guntadadaan sidii ay
dhisi lahaayeen ama ay u taageeri lahaayeen Dowladda KMG ah ee lagu soo
dhisey magaalada Nayroobi taasi oo ah mid rajo weyn lagu qabo inay soo
celiso qaranimadii Soomaaliya.

Shirkaasi waxaa iyaguna Goob joog ka ahaa Fanaaniinta qaranka qaar ka mid
ah kuwaasi oo heeso iyo gabayo guubaabo ah ka Jeedanayey madasha Shirka
Fanaaniintaas waxaa ka mid ahaa: Abwaan Maxamuud C/laahi Singub, Saado
Cali,Axmed Cali Cigaal, Sahra Siyaad, Najax iyo kuwa kalew oo aad u badan.


Guud ahaan shirkaasi wuxuu u socdey si wanaagsan waxaana la filayaa inay
ka soo baxaan go'aano ku saabsan xaalka Soomaaliya ee wakhtigan la joogo.




Abdifataah M. Abdinur
Columbus, Ohio
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |