|
Shirkadda Hormuud oo deeq
gaarsiisey dad kasoo barakacey Dagaalada Muqdisho.
Maamulka shirkadda Hormuud ayaa maanta kaalmooyin kala duwan gaarsiisay
dad soo barakacay oo ku sugan inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo dekedda
Ceelmacaan, waxaana mas'uul ka socday shirkadda oo qiimeynayay xaalada dadka
soo barakacay, taasoo uu kulamo kala duwan la yeeshay sida dadka
degaanadaasi uu u saameeyay qaxootiga ku soo jabay dagaaladii Muqdisho ka
dhacay awgood.
Md. Cabdi C/llaahi oo ka socday maamulka shirkadda Hormuud socdaal uu ku
qiimeynayay xaaladda bani'aadanimo ee halkaasi ka jirta, maadaama qoysas aad
u tiro badan oo ka barakacay Muqdisho ay gaareen halkaasi, waxa uu sheegay
in qoysaska soo barakacay ay dhibaato ka heysato sidii ay u heli lahaayeen
biyo ay cabaan, sidaas darteedna ay Hormuud ku tabaruceyso in Ceel halkaasi
ku yaala ay u iibiso Hal Matoor, si uu u yaraado culeyska dadka ka heysta
inay helaan
Sidoo kale Md. Cabdi C/llaahi oo ah maamulaha shirkadda Hormuud qeybta W/Muqdisho
ayaa socdaalkiisa samafaleed ee uu ku bixiyay degaanada u dhaxeeya Muqdisho
iyo Ceelmacaan waxaa qoysas soo barakacay oo ku sugan degaanka Sheekh Cali
Cabdulle uu ugu deeqay kaalmooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin booyad biyo
ah loogu shubay berked weyn oo halkaasi ku tiilay.
Source:Somaliweyn.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |