Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wadahadalkii Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Barlamanka oo Meel wanaagsan Maraya

Sanca: Madaxweynaha Dowladda Federalka ah iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Abdullahi Yusuf Iyo Shariif Xasan ayaa  gaarey Heshiis wali qabyo ah   oo ay kaga gudbayaa kala duwanaanshihii u dhexeeyey muddada Sannadka ku dhow.

 wadahadalkan  oo ka socda Magaalada Sanca ee waddanka Yaman isla markaana uu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha yaman Cali C.Saalax ayaa maraya meel aad u wanaagsan iyadoo labada Masuul ay daneynayaan inay ka gudbaan Caqabadihii horey u dhexyaaley ayna usoo Jeestaan sidii ay u wada shaqayn lahaayeen iyadoo walibana  Madaxweynuhu uu aqbalay in Dowladdu ku shaqeyso Magaalada Muqdisho inkastoo loo maleynayo isagu inuu kusii Nagaan doono xarunta KMG ah ee Jowhat inta wax laga qabanmayo amaanka Muqdisho.

si kastaba ha ahaatee waxaa hadda Muuqda in rajada wadahalakani uu wax badan kaga duwan yahay kuwii ka horreeyey labadan Nin mid waliba mid kale uu ku eedayn jirey inuu shaqadiisii shaqo aan ahayn uu boobayo taaasina ay keentye is aamin la'aan iyo kala fogaansho daba dheeraadey. Maanta ayaa la filayaa in heshiis Buuxa ay ka soo saaraan Magaalada Sanca kaasi oo soo afjari doona Khilaafkii soo taxnaa laga soo bilaabo Bishii Mach 2005.

 khilaafkaasi oo sababey in dowladdii lagu soo dhisey Nairobi ay u kala guurto Muqdisho iyo Jowhar dadkii sugayeyna ay soo foodsaarto rajo la'aan iyo niyad jab ku yimidaada in ay helaan Dowlad soo celisa Nidaamkii iyo kala dambeyntii soona Celisa Sharaftii Ummadda Soomaaliyeed Ku lahayd Adduunka.

 

RSTV NEWS ROOM