Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Yaman oo dhaarisay safiirkii Soomaaliya ay usoo magacaabatay.

Wararka ka imaanaya dalka yemen ayaa sheegaya in safiirka dowladda Yemen ay dhawaan usoo magacaabaty dalka Soomaaliya uu shalay gellinkii dambe gutay dhaarta dastuuriga ah ee ku aadan xilka loo maacaabay ee safiirnimada Soomaaliya .

Safiirkan o lagu magacaabo Axmed Xamiid xasan Cumar ayaa dhaarta dasturiga ah gutay isagoo horjoogay madaxeynaha dalkaasi cali cabdalla Saalix ,waxaana munaasabadda dhaartu aymaalintii Salaasadii gellinkii danbe ka dhacda magaalada Sanca ee xarunta dalka yemen .

Safiirkan oo dowladda yemen ay bishii December sanadkii tagay usoo magacaabatay Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ka howl billaabo xaruntiisa cusub ee looga diyaarinayomagaalada jowhar oo iminka xarun ku meel gaara u ah dowladda federalka Soomaliya

Yemen ayaa ahayd dowladdii ugu danbeysay ee ku dhawaaqda in ay safaarad ku yeelaneyso magaalada joiwhar oo iminka ay safaarado uga furanyihiindalal iyo ururro uu ugu horreeyo midowga Africa o xiriir wanaagsan la leh dowladda federalka Soomaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV MUQDISHO