|
Yaman Iyo Ingiriiska Oo Ka wada hadlay burcad badeedka Soomaliya sidii
loociribtiri lahaa.
Wasiirka Arimaha gudaha dalka Yaman Dr Rashaad Alculeymi ayaa waxa uu
kulan kulayeeshay Xaruntiisa magaalada Sanca Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibada
dalka BritainKim Hawlz, iyadoo labada Masuulna ay kawada hadleen arimaha
soomaliya iyo sida loo gacan qaban karo Dowladan cagaha badan aan kutaagnayn
ee dalka Soomaaliya.
Labada mas`uul oo si weyn u falanqeeyey ariamaha Soomaliya ayaa wax ay
kawada xaajoodeen falalka afduubka ah lagula kaco maraakiibta ajanibiga ah
ee mara xeebaha Soomaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa ,iyadoo dalka
Britina ay tababaro siyaan ciidamada badda ee dalka Yaman.
Wasiiru dowlahan reer Birin ayaa hoosta ka xariiqay in haddii aan la
helin taageero caalami ah oo loo fidiyo Soomaaliya aysan joogsan doonin
qafaalashada maraakiibta marta xeebaha Soomaliya taa badalkeedana looga
fadhiyo caalamka in gacan laga siiyo xukuumada iminka Soomaaliya ka dhalatay
la dagaalanka kooxaha mooryaan badeedka.
Wasiirka arimaha gudaha dalka Yaman Alculeymi waxaa kale uu mas`uulka
reer Biritin kala xaajooday yareynta kooxaha tahriibayaasha Soomaliyeed ee
naftooda ku haligaya xeebaha Yaman tasi oo sii kordheysa.
Labadaan Mas`uul oo dhinaca kale ka wada hadlay wax lagu tilmaamay
argigixisada Soomaliya ka jirta ayaa waxa ay ku balameen in ay iska
kaashadaan wax ka qabashadeeda.
Wasiiru dowlaha Biritin ayaa xukuumada Yaman uga mahad celiyay guushii ay
ka soo hoysay hishiisiinta mas`uuliyiinta ugu sareeysa xukumada KMG ee
Soomaliya iyo sida ay ugu heelan tahay in dalkani oo u soo noqdo kala
dambeyntii iyo la jaan qaadida caalamka .
Kulanka labadaan mas`uul oo ka dhacay xarunta wasaarada arimaha dibada
Yaman ayaa ku dhamadaay jawi aad u qurux badan iyadoo wasiiru dowlahuna uu
tibaaxay in xukuumadiisu gaar siin doono dhambaalka Yaman ee ah in gacan la
siiyo Soomaliya.
Maxamed Cadde.
|