Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasaarada caafimaadka oo mar kale qeylo dhaan kasoo saartay abaaraha sii baahaya ee Soomaaliaya ka dhacaya.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka ee dawladda federalka Soomaliya Prof CusmanMaxamuud Dufle ayaa markii labaad muddoo todobaad gudihiisa ah waxaa uu ka hadlay xaaladda abaareed ee sida aadka ah u daran ee ka taagan meelo ka mida gobalalda dalka Soomaaliya.

" wadanka Soomaliya min kor ilaa hoos waxaa saameeyay abaaro aad iyo iyo aad u baaxad weyn oo dadkii ,gaar ahaan carruurta,haweenka iyo dadka da'da ahi ay ku baaba'ayaan" ayuu yiri Cisman Maxamud Dufle oo ka dhawaajiyay in tirada dhimashadu ay maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheyso.

Waxaa dr Dufle uu xusay in abaaruhu intaa ay barbaryaalaan cudurro mar kasta nafaqadarrada soo raaca oo ah cudurrada faafa sida shubanka ,isagoo dhamaanba hey'adaha caalamiga ah ,NGO-yada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqyay in dadka abaaruhu saameeyeen ay si degdeg ah kaalmo bini'aadanimo ula gaaraan.

Wasiir ku xigeenka caafimkaadka Soomaaliya dr Cisman Dufle waxaa uu sheegay in dadka gaajada darteed u geeriyoonayaahi ay ubadan yihiin carruurta ay da'doodu 5 ay ka yartahay ..

Baaqa kasoo baxay wasaaradda caafimadka Soomaaliya ee ku wajahnaa gurmashada dadka abaaruhu baaba'inayaan ayaa kusoo beegmay ayadoo ra'iisalwasaare Geeddi uu dhawaan magacaabay guddi heer qaran ah oo u xil saran wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaruhu ay ka geysanayaan dalka Soomaliya ,iyadoo guddigaana uu madax u yahay ra'isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka maaliyada Prof SaalimCaliyow Ibrow.

Maxamed Cadde.

RSTV NEWS ROOM