|
UNICEF oo lacago u dalabtay caruurta nafaqa
darada Soomaaliya ay ku heyso.
Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa shalay waxa
ay codsatay 14.7 milyan oo doolar si loogu caawiyo 1.2 milyan oo caruur ah
oo ay wajahday nafaqo daro baahsan meelaha ay halakeeyeen abaaraha ee bariga
Afrika.
Bayaan ay UNICEF ka soo saartay magaalada Nairobi, ayaa waxa ay ku sheegtay
in dhaqaalahaasi uu gacan ka geesanayo in la badbaadiyo nololsha qoysaska ku
tabaaleysan wadamada Kenya, ,Somalia iyo Itoobiya saddexda bilood ee soo
fool leh.
UNICEF waxa ay sheegtay in ka badan 56,000 oo caruur ah oo da’doodu ay
hooseyso shan jir in ay wajaheen nafaqo daro dalka Soomaaliya iyo gobolada
Ormada ay degto ee koonfurta wadanka Itoobiya taasoo ah tiro la filayo inay
sare u kacdo maadaama ay sii xumaanayaan abaaraha dhacaya.
Hay’ada UNICEF ayaa sheegtay in 10-kii caruur ah 3 ka mid ah oo ku nool
goobaha abaarahu saameeyeen ee Soomaaliya ay haleeli doonto nafaqo daro".
Abaro ka dhashay labo sano oo roob la'aan ah ayaa ka dhacaya Soomaaliya
kuwaasi oo waxyeelo u geysanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada
koonfureed ee Soomaaliya.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|