|
Soomaalida Yaman ku dhaqan oo
bilowday in kaniisadaha ay codsiyo geystaan.
Qaar kamid ah qaxootiga Soomaalida ee ku nool wadanka Yemen ee doonaya
iney halkaasii kaga dhoofaan dalal kale oo reer galbeed ah ayaa iminka
bilaabey iney codsiyo geystaan kaniisadaha ku yaala dalka Yemen, iyagoo
weydiisanaya iney gacan siiyaan dadka Soomaalida ah ee doonaya in loo qaado
Yurub.
Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Sanca oo u badan haween
ayaa waxey bilaabeen iney qoraalo iyo araaji ah u qortaan kaniisadaha ku
yaala magaaladasi,ayadoo haweenkan ay ku andacoonayaan in kaniisadaha ay ka
codsanayaan iney gargaar u fidiyaan haweenka Soomaaliyeed ee halkaa ku
tabaaleysan.
Mar qaar ka mid ah haweenkaasi wax laga weydiiyey araajidan ayaa waxa ay
tilmaaneen sababta ugu weyn ee xiligan kusoo aadiyey iney araajidan qortaan
ay tahay koror ku yimid dhibaatooyinka kasoo food saaraya wadanka yaman iyo
shaqo la'aanta jirta.
Arintan haatan soo if baxday ayaa walwal iyo casbi balaaran waxaa ka
muujiyey dadka Soomaalida ah ee dibada iyo gudaha wdanka ku dhaqan kuwaasi
oo sheegaya in arintan ay tahay mid wax u dhimaysa dhaqanka suuban ee
Soomaalidu ay leedahay.
Dhibaatooyinka laga dhaxl;ay dowlad la';aantii Somaaliya ka dhacday ayaa
ah kuwa marba marka kasii danbaysa laga sii naxayo ayadoo Soomaalida walwal
ay ka qabeen tahriibka ayaa hadana miska waxaa usoo fuulay warar sheegaya in
Soomaalif\dii ay bilowday ay codsiyo ay u gudbistaan kaniisado kasoo
horjeeda diinta suuban ee islaamka.
Maxamed Cadde.
RSTVonline.com
|