|
Hogaamiyasha sar sare ee xukuumada kmg ah oo aan wax nuxur leh kasoo saarin
kulamadii ay ku lahaayeen Nairobi.
Wararka aany ka helayno magaalada Nairobi ayaa sheegaya kulamadii
joogtada ahaa oo maalmahanba uga socday madaxweynaha dawladda fedaraalka KMG
ah ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed, gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan iyo ra’iisal wasaaraha dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cali
Max’ed Geedi.
Kulankii mas'uuliyiintan ay wada lahaayeen oo ahaa kulan albaabada ay u
xirnaayeen oo 3-dii cesho ee ee lasoo dhaafayna uga socday magaalada Nairobi
ayaa loo diiday saxaafada in ay wax ka ogaato.
Madaxdaa dawladda fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya ee ku jooga magaalada
Nairobi oo wax laga weydiiyay kulamadan 3 geessoodka ah ee dhex maraya
masuuliyiinta ugu sarraysa dawladda waxa lagus oo qaaday ayaa waxa ay kuu
sheegayaan in aanay waxba kala socin oo ay wax ka war dhowrayaan.
Warar aan sugneyn ayaa sheegaya in masuuliyiinta sar sare ee dawladda in
ay ku qaadaa dhigayeen kulamadii ay yeesheen halka ugu haboon ee lagu qaban
karo kalfadhiga barlamaanka ayadooo mas'uuliyiintana ay dib u dhigeen si
looga afogaado in qalalaase kale uu abuurmo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|