|
Kulan looga hadlayo abaaraha
Soomaaliya oo maanta Hargaysa ka furmay.
Kulan looga hadlayo abaaraha ka taagabn maamul goboleedyada Somaliland
iyo Puntland, iyo koofurta Somalia oo ay soo qaban qaabisay dawladda
Federaalka Somalia garabka ku sugan magaalada Jowhar, ayna maal gelinayaan
Baanka aduunka iyo hay'adda horumarinta UNDP ayaa maanta ka furmay Hotelka
Mansoor ee magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Kulankan oo ah mid u muuqdo isku soo dhawaasho dhex mara madaxda
Soomaaliyeed ee afkaaraha ku kala gadisan ayaa waxaa looga dooday suurto
galnimada sida hay'adaha samafalka ay ugu gurman karaan abaaraha dadka
abaaruhu ay ku heystaan dhulalka ay ka arimiyaan maamuladan.
Wasiirka Beeraha maamulka Somaliland ayaa waxa uu ku eedeeyay hay'adihii
kulankaasi soo qaban qaabiyay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay isugu
keenaan madaxda Somalia, iyadoo madaxdii hay'adaha ee kulankaasi ka
qeybgalay ay meesha ka saareen in kulankaasi uu yahay mid ku saleysan isu
keenida madaxda Soomaalida, iyagoo sheegay in ay tahay in laga hadlo baahida
loo qabo gargaar deg deg ah oo lasoo gaarsiiyo dadka macluushu ay iminka
heysato.
Kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli qeylo dhaan baahsan ay kasoo
yeerayso dadka ku dhaqan gobolada koonfureed ee dalka iyo qaar ka mid ah
gobolada waqooyi ee Soomaaliya .
Maxamed Cadde.
RSTV Muqdisho
|