Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra'iisal wasaaraha Israel oo khatar caafimaad soo food saartey

wararka kasoo abaxya waddanka Isra'il ayaa sheegaya in R/waarihii waddankaas Ariel Sharon loola cararey Isbitaalka lagu magacaabo Hadassah Hospital ka dib markii Madaxa Dhiig kaga Furmay isaga oo ku sugnaa  Beertiisa oo ku taalla koonfurta Israel.

Sharon oo ah 77 jir miisaankiisu Culus yahay ayey dhakhaatiirtu sheegeen in xaalkiisu uu adag yahay xilligan, muddo hadda  Saacado ah ayuu socdaa Qalliin dhinaca Maskaxda ah oola doonayo lagu badbaadiyo waase la ogaan doonnaa waxa uu ku dambeeyo xaalka Ariel Sharon.

Ariel Sharon oo ah nin wakhti dheer ku soo jirey siyaasadda Israel ayaa u muuqdey inuu markale ku guuleysan doonoo Doorashada la filayo iney ka dhacdo waddanka Isra'iil Bisha Maarso 28keeda, si kastaba ha ahaatee Agaasimaha Isbitaalka Shmuel Shapira ayaa sheegey in ay Sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan si ay u badbaadiyaan Sharon.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa si taxaddar leh ula socda Xaaladda Caafimaad ee Eriel Sharon.

RSTVNEWS ROOM