Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shariif Xassan oo la filayo in maanta kulamo kala duwan uu Nairobi kula qaato xubnaha labada gole ee dawlada Soomaaliya iyo safiirada wadamada shisheeye .

Gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Nairobi kulan kula yeesho safiirada wadamada shisheeye ee ku sugan halkaasi si uu ugu muujiyo in laga gudbay qilaafkii u dhaxeeyay dowladda federaalka labadeeda garab isagoo sidoo kalena kulan la qaadan doona xubnaha labada gole ee dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa la filayaa in maanta uu qado sharaf u sameeyo xubnaha labada gole ee magaalada Nairobi ku sugan sida uu saxaafada u sheegay xalay wasiirka xariirka barlamaanka C/raxman Ibbi.

Maalmaha ina soo aadan ayaa lagu wadaa in gudoomiyaha iyo wafdi uu hogaaminayo ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho .

Gudoomiyaha Baarlamanka dawlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno gaaraya 60 mudane oo dawlada federaalada labadeeda garab ka kala tirsan iyo waliba gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar xabeeb .

Gudoomiyaha barlamaanka iyo wafdigii la socday ayaa kasoo kicitimay magaalada Dubay ee xarunta ganacsiga Imaaraadka carabta halkaasi oo ay geynayeen tascsi ku aadan geridii ku timid madaxweyne ku xigeenkii wadankaasi Maktum Rashid Almaktum.

Maxamed Cadde