Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shariif Xasan oo maanta garoonka dayniile kasoo dagay..

Gudoomiyaha Baarlamankadawlada federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiu uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo dagay garoonka dayaaradaha Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ka gaabsaday in uu saxaafadda la hadlo, balse Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka xubnaha labada gole ayaa sheegay in gudoomiyaha uu xanuunsan yahay, uuna la hadli doono saxaafadda maalinta bari ah.


Soo dhaweynta gudoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa ka muuqday gawaarida dagaalka oo ay wataan wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho, oo uu ka mid yahay Muuse Suudi Yalaxow, Max’ed Qanyare, Cismaan Caato iyo waliba wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Bootaan Ciise Caalin.

Gudoomiyaha Baarlamanka Sahriif Xasan ayaa 5-tii bishan magalaada Cadan heshiis waxa uu kula soo saxiixday madaxweynaha Somalia, iyadoo looga fadhiyo gudoomiyaha in uu ka dhaadhiciyo xubnaha heshiiskaasi ka biyo diidsan ee Muqdisho ku suganb in ay qaataan heshiiskaasi

Maxamed Cadde.

RSTV Muqdisho