|
Shariif Xassan oo Nairobi ku wajahan.
Guddoomiyaha baarlamaanka dawlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif
Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah uu ka dhoofo
magaalada Muqdihso isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta wadanka
Kenya.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu doonayo halkaasi in uu kulan gaar ah
kula yeesho madaxweyne C/llaahi Yuusuf, iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu
isna kusii jeeda magaalada Nairobi maalinta bari ah.
Wararka kale ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka la doonayo in uu
horey u sii raaco madaxweynaha iyagoo ka wada qeyb geli doona shirka madaxda
Afrika ee malintra isniinta ah ka dhici doona Sudan inkastoo warkaasi aan la
hubin .
Guddoomiyaha baarlamaanka oo toddobaadkii lasoo dhaafay soo gaaray
magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn ilaa iyo iminka sababta soo dedejisay
safarkiisa in kastoo aan sidoo kale la ogeyn qorshihiisa Muqdisho uu u yimid
waxa uga hirgalay.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|