|
Wasaarada
waxbarashada oo maanta siminaar soconayey 20 cesho usoo gabagabaysay
macalimiin reer Muqdisho ah.
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada dawlada federaalka KMG ah ee
Soomaaliya Muqtar Maxamed Yuusuf ayaa maanta soo gabagabeeyey siminaar muddo
20 cisho ah uga soconayey xarunta dugsiga Xamar ee degmada Wardhiiglay
macalimiin wax ka dhigta dugsiyada gobolka Banaadir.
Siminaarkan uu maanta soo gabagabeeyey wasiir ku xigeenka waxbarashada
ayaa waxaa looga hadlayey cudurka Aidiska iyo qatarta uu caalamka ku hayo
ayadoo macalimiin kor u dhaafaysa boqol ay siminaarkaasi ka qeyb qaadanayeen.
Muqtar Maxamed Yuusuf oo siminaarkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegaya in
loo baahanyahay siminaar ceynkan oo kale in lo qabto macalimiinta gobolka
wasaaradiisuna ay taageerayso siminaarada noocan oo kale ah isagoo ku
nuuxnuuxsaday in siminaarkan lagu soo wargeliyey wasaaradiisa
qabanqaabadiisa.
Muqtar Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in macalimiintii ka qeyb qaadatay
siminaarkan looga fadhiyo in ayana ay u gudbiyaan bulshada ay wax baraan si
markaa cusurkan uu u noqdo mid shacabka oo dhan uu yaqaano dabadeedna
digniin culus uu ka bixiyo.
Sidoo kale mas'uuliyiin fara badan oo ka socotay hay'adda siminaarkan soo
qabanqaabisay o lagu magacaabo Solfa ayaa xafladii maanta lagu soo
gabagabeynayey siminaarkan hadalkan ka jeediyey ayagoo u hambalyeeyey
macalimiintii siminaarkan wax ka faa'ideysatay.
Si kastaba ha ahaatee siminaarada noocan oo kale ayaa maalmahan kusoo
badanaya magaalada Muqdisho .
Maxamed Cadde.
RSTV NEWS ROOM
|