|
Saraakiil maanta Muqdisho lagu dilay.
Col.Cali Xaaji Geeddow oo loo Yaqiin (Cali Weyne) kana
tirsanaa saraakiisha Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay deegaanka Galgalato
ee duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Corneelka aan dilka loogu tala
gelin balse ay rasaas kaga fakatay mid ka mid ah maleeshiyooyin uu leeyahay
ganacsade Bashiir Raage, waxayna xilliga ay xabbada ku dhufteen ay sheegeen
maleeshiyada in ay wadada furayeen.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in dilka ninkaan
sarkaalka ah ay ka danbeeyeeb xilii gaarigii uu watay ay ku timid cillad
xagga farsamada ah ayna maleeshiyooyinkan ay ku amreen in gaariga uu ka
dhaqaajiyo goobta laakin nasiib darro waxaa wada socday hadalka iyo xabadda
ay rideen kooxahaan maleeshiyooyinka ah ee iyagu ka amarqata ganacsade
Bashiir Raage Shiiraar
Inta badan maleeshiyooyinka taabacsan hoggaamiyeyaasha
hubeysan ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa caado u ah in xilliyada ay
wadooyinka xiran yihiin ay ku furaan rasaas aan loo kala meel dayin oo
mararka qaar ay dhacda in dad badani ku waxyeeloobaan.
Dhinaca kalena waxaa Muqdisho lagu dilay isla maanta sarkaal
katirsanaa ciidanka booliska Soomaaliyeed oo la oran jiray Maxamed Xasan
Maxamed (caddaawe), iyadoo aan la ogeyn isna sababta loo dilay.
Dilka saraakiisha ciidanka booliska ayaan aheyn mid ku cusub
magaalada Muqdisho iyadoo horey loo dilay rag sar sare oo ka tirsan ciidanka
booliska Soomaaliyeed.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|