|
Dhac magaalada Baydhabo loogu
geystay raashin mucaawino ah oo WFP ay lahayd.
Raashin lagu quudin jirey dad badan oo dhibaatooyin kala duwan ay ku
heysatay gudaha magaalada gobolka bay kuna xareysnaa maqsin ku yaalayu
gudaha magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in maanta lagu
bililiqeystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Dhacan loo geeystay raashinka mucaawinada ah ee loogu talo galay in dadka
tabaaleysan ee ka soo barakacay dagaalada ka dhacaya qeybo ka mid ah gobolka
Bay i iyo degaanada abaaruhu ay saameyeen ee Bakol ayaa waxaa geeystay kooxo
maleeshiyo ah oo ku sugan magaalada Baydhabo,ayago raashinka ka qaaday xarun
keyd ah ooo ku taalay xaafada Horseed ee magaalada Baydhabo.
Sababta dhaca loogu geeystay mucaawinadaan ayaan la ogeyn, iyadoo qaar ka
mid ah howlwadeenada xarunta dhacu uu ka dhacay ay ka gaabsadeen in ay
faahfaahin ka bixiyaan dhacaan.
Raashinkan ayaa hay'adda WFP waxa ay ugu tala gashay in ay gaarsiiso dad
si ba'an ugu tabaalaysan deegaano ku yaalla gobolka Bay kuwaasi oo ay degan
yihiin dad soo barakacay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo maleeshiyooyin hubeysan ay dhac u geystaan
raashiin mucaawino ah oo ay leedahay hay'adda WFP ayadoo haatan ka hor ay
maleeshiyooyin hubeysan dhaceen 10 gaari oo siday raashin mucaawino ah
laakiin lagu guuleystay in dib loo soo celiyo.
Maxamed Cadde.
RSTV, Muqdisho
|