Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Qanyare ayaa diidey in meel dhexe la isugu Yimaado si Loo sii wado Dhismaha Maamulka G/Banaadir.

Wasiirka Maniga ee Dowladda KMG ah Maxamed Qanyare ayaa laga soo sheegey inuu ku Gacanseyrey Ergo ugu timid Xaruntiisa uu ku leeyahay Dayniile kuwaasi oo ka codsadey inuu ka noqdo Qaaddacaaddii uu qaadacey Maamulkii dhawaan ay u sameeyeen Gobolka Banaadir Kaasi oo markii hore uu wax ka wadey isagu inkastoo uu garwadeen ka ahaa Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow.

Mudane Qanyare waxa uu sheegey inaanu taageero u haynin maamulkaasi taasi uu sabab uga dhigey in laga weecyey wadiiqadii ay markii hore ugu tala galeen oo aheyd mid awood qeybsi ah ayna  horey ugu heshiiyeen wasiirada Hubaysan ee Muqdisho ku Xoogan.

Ergadaasi fara marnaan ayey ka noqdeen Xarunta Maxmed Qanyare, waxaana la filayaa ina ay adkaato sida uu u shaqeyn doono Maamulka loo dhisayo G/Banaadir kaasi oo la Kowsadey Khilaaf Xooggan oo ka dhashey sidii loo qaybsan lahaa Hoggaanka Golaha degaanka ee dhowaan la dhaariyey.

warar laga soo xigtey Muuse  Suudi ayaa tibaaxey in aau isagu Muuse ahaan waxba kala Soconin Doorashooyinkii la doorto Guddoomiyaha iyo Ku xigeenada Golaha degaanka oo dhacdey todobaadkii hore.

taasi waxay Markhaati u tahay in uu jiro kala duwaanansho baaxad leh oo ka dhex abuurmey odayaasahii Markii Hore Lahaa Hindisaha in Maamul loo sameeyo Magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xaaji
RSTVONLINE.COM