Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Geedi oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Ra段isal wasaaraha dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta DFKMG ah ee Soomaaliya , ka dib muddo 3 cesho ah oo uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ra段isal wasaare Geeddi oo ay ku wehliyeen imaatinkiisa xubno ka tirsan dawladdiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, waxa uuna ra段isal wasaaraha u gudbay aqalka uu ka degan yahay magaalada, isagoo u sheegay saxaafadii halkaasi kula kulmay in uu daalan yahay, balse uu qaban shir jaraa段d uu kaga hadli doono socdaalkiisa.

Geeddi ayaa intii uu joogay magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay masuuliyiin ka socotay hay誕daha QM, deeq bixiyayaasha, isagoo kala hadlay sidii loo saacidi lahaa dawladda, waxa uuna ka codsaday ra段isal wasaaraha hay誕daha QM in ay xarumo ka furtaan magaalada Baydhabo oo iminka xarun ku meel gaara u ah dawladdiisa.

Maalintii axada ayay ahayd markii ra段isal wasaaraha iyo wafdi uu horkacayay ergayga xoghayaha guud ee QM Kjel Magne Bondevik ay u ambabaxeen degmada Waajid, kadibna ay uga sii gudbeen magaalada Nairobi.

Maxamed Cadde.

Xafiiska Muqdisho.
RSTVonline.com