Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mid ka mid ah maraakiibta Koyame lagu afduubtay oo maanta la iska sii daayay.

Mid ka mid ah afar markab oo kalluumaysi oo laga leeyahay wadanka Taiwan ayaa kooxihii haystay ay sii daayeen maanta oo khamiis ah sidaasi waxaa xaqiijisay dawladda Taiwan.

Markabkaasi Kalluumaysi ee la sii daayay oo iminka la sheegay inuu ka baxay soonka biyaha Somalia ayaa ku sii jeeda Taiwan.

Waxaa sii dayntiisa dadaal u galay kooxo gaar ah oo ay dawladda Taiwan u xil saartay amuurtaasi iyo mulkiilayaasha markabkaasi lagu magacaabo Chung Yi 218.

Markabkaasi iyo laba markab oo kale waxaa lagu afduubtay meelo kala duwan bishii August 16-keedii waxaa la qafaashay markabka Cheng Ching Feng iyo Hsin Lien Feng 36. iyadoo bishii November la afduubtay doonida lagu magacaabo Feng Rong 16.

Warbixinta ka warramaysa sii daynta markabkaasi ayaa sheegtay in shaqaalaha markabka ay xaaladdoodu wanaagsan tahay iyagoo dul saaran doonyaha kale.

Dawladdu waxay kaloo intaa raacisay in ay ku dadaali doonto sidii loo bad baadin lahaa shaqaalahaasi saaran maraakiibta kale ee la heysto.

Afarta markab waxaa la sheegay inay saarnaayeen shaqaale ka kooban 62 oo ka kala socda dalalka China, Philippines, Indonisia iyo Vietnam.

burcadda qafaalatay maraakiibtaasi waxay horey ugu hanjabeen inay dili doonaan shaqaalahaasi haddii aan markab kasta laga bixin $500,000 oo doolar oo madaxfurasho ah.

Sii daynta markabkan ayaa ku soo aaday iyadoo markabkii ugu dambeeyay ee ganacsi ee laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta maalintii Axada ahayd lagu afduubtay xeebaha wadanka Soomaaliya.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM