Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Mowliid Macaane ayaa Sheegey in uu ku qasban yahay inuu ka Shaqeeyo Muqdisho Haddii Madaxda Sare ay sidaas Go'aamiyaan

Wasiirka Dhulka iyo Deegaameynta Dawladda KMG ah ayaa sheegey inuu aqbali doono haddii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaaanku ay  ku Hesshiiyaan in Dowladdu ay u Guurto Magaalada Muqdiho

Mowliid Macaane waxaa uu sheegay inay Xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar ay u hoggaansami doonaan heshiis kasta oo lagu soo afjarayo Khilaafkii u dhexeeyey Hogaanka sare ee Dowladda Federaalka.

 wasiirku wuxuu qirey in dhibaato weyn lagala Kulmey khilaafkii soo Jiitamayey Muddada dheer ee kala Qeybiyey Dowladdii Lagu soo dhisey waddanka Kenya .

Mowliid Macaane waxaa uu sheeagy inuu Jeclaan lahaa Muqdisho oo nabad ah ee bilicdeedii leh si nabad ahna looga dhexshaqeeyo isagoo waliba sheegay inay nasiib darro tahay wararka sheegaya in ay maalmahan kusoo laabteen Jidgooyadii hore looga qaadey taasi oo uu sheegey in aan loo baahnayn waqtigan la joogo.

wasiirku waxaa ka dhawaajiyey in ay Muqdisho U baahan tahay in si weyn wax looga qabto oo la gaarsiiyo heer ay u Muuqato Caasimad waddan leeyahay oo si kalsooni lehna loogu Noolaado.

 

RSTV NEWS ROOM 

WEBMASTER@RSTVONLINE.COM