Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Munaasabad 14 dhalinyaro la isugu mehrinayay oo xalay ka dhacday magaalada Marka Xarun Goboleedka Shabeellaha Hoose.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen culimaa’udiin, masuuliyiin,waxgarad, aqoonyahano, iyo marti sharaf kale ayaa waxa ay xalay ka dhacday xarunta agoonta Ayuub ee magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.

Munaasabadii xalay ayaa waxaa loo dhigay 14 dhalinyaro oo is mehersanaysay oo ka mid ahaa agoonta ku jirta xarunta Agoonta Ayuub oo lagu xanaaneeyo ilaa 500 oo agoon ..

Xafladaas meherka ah waxaa soo qaban qaabiyay Hay’ada WSL oo aalaaba gacan siisay agoonta ku jirta xarumaha agoonta gobolka Shabeelaha Hoose ku yaalla.

Maxamud Cabdi Aadan oo ka mid ah masuuliyiinta xarunta agoonta Ayuub ayaa sheegay dhalinyaradaasi ismehersaday in aan la isku qasbin balse taa ay ka dhalatay rabitaankooda, isagoo intaa raaciyey maamlka iyo Hay’ada WSL in ay iska kaashadeen gacan qabashada lamaanayaashaan iscalmaday iminka.

Lamaanayaashii xalay la isku mehriyey ee 14-ka ahaa ayaa waxa ay iyagana muujiyeen sida ay ugu riyaaqsan yihiin guurkan wada jirka ah, iyagoo amaan ballaaran iyo mahad celinba ujeediyay maamulka xarunta Agoonta Ayuub iyo Hay’ada Samafalka ee WSL oo door wacan ka ciyaaray qabashada munaasabadaas.

Meherkan jamaaciga ah ee ay soo qabanqaabisay hay'adda WSL ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee noocan oo kale ee lagu qabto gobolka Shabeelaha Hoose ,sanadkii 2001-da ayay ahayd markii xaflad midan la mid ah lagu qabtay gobolka taasi oo ay mehersadeen 22 lamaane oo ka mid ah agoonta ku xareysan xarumaha lagu xanaaneeyo agoonta iyo danyarta ayadoo lamanaayaashaasina loo abuuray xerfado ay ku shaqeystaan .

Si kastaba ha ahaatee Munaasabadan ayaa ah mid shacabka gobolka ay u riyaaqeen ayagoo sheegay in falkan oo kale loo baahanyahay in bulshada mar walba loo qabto..

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM