|
Meydad Soomaali ah oo laga helay
xeebaha Yaman ayadoo qaar kuwo kalen la la'yahay.
Dad kor u dhaafaya 70 ruux oo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay 37 kalena
waa lagu la’yahay xeebaha gobolka Shabwah ee wadanka Yaman ka dib markii
doonidii ay la socdeen ay ku degtay deegaanka Reedda ee gobolka Shabwah.
Doonida degtay ayaa waxaa saarnaa sida wararku sheegayaan 11o qof ayadoo
dadka illaa iyo iminka ay heleen ciidanka xeebaha Yaman ay gaarayaan 70
waxaana haatan lagu raad joogaa dadkii kale ee doonta la socday..
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in doonida ay ka badbaadeen oo
qura 3 ruux ,waxaana doontan ay kasoo kicitimtay xeebaga gobolka Puntland
halkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ay kasoo tahriibayeen Soomaali aad u
fara badan.
Wargeyska 26-ka Sep ee wadanka Yaman kasoo baxa oo soo xiganaya ciidanka
amaanka xeebaha Yaman ayaa sheegay in ciidanka amaanka ay baadi goob ugu
jiraan soo badbaadinta dadka iminka la la'yahay.
Dadka dhintay iyo kuwa la la'yahay ayaa waxa ay yihiin Soomaali waxaana
ay ka koobnaayeen rag iyo dumar.
Maalintii sabtidii ayay ahayd markii Soomaalki badan oo meyd ah laga
helay xeebaha gobolka Xadramoot ee wadanka Yaman,hay'adda UNHCR_na waxa ay
mar kale ku celisay walaaca ay ka qabto dhimashadan faraha badan ee
Soomaalida ay kala kulmayso tahriibka.
Maxamed Cadde
RSTVonline.com.
|