Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Dheere ayaa beeniyey in wax khilaaf ah ka jiro isaga iyo Madaxweyna dowladda FKM.

Guddoomiyaha Maamulka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb(M/Dheere) aayaa shaaca ka qaddey in ay been yihiin wararka la isla dhemarayo ee sheegaya in mad madow uu soo kala dhexgaley isaga iyo Madaxweynaha Dowladda federaalka Cabdullaahi Yusuf. Khilaafkaasi oo sida la sheego ka dhashey wadahaladii uu Maxamed Dheere la yeeshey Ninka Maamula Gobolka ay Dariska Yihiin ee Sh/Hoose Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde.

Maxamed dheere wuxuu sheegey inuu si buuxda u taageersan yahay heshiiskii ay maalmo ka hor Gaareen Madaxda Sare ee DFKMG ee ka dhacey Cadan, wuxuuna sheegey in Go'aanka Howlaha Dowladda Dowladda ay igu leeyihiin isaguna uu sidaas ku taageersan yahay.

Mar wax laga weydiiyey sodaalkii uu ku tagey Nairobi wuxuu sheegey inuu ahaa socdaalkaaasi mid isaga u gaar ah intii uu halkkaasi joogeyna ay is arkeen dad badan oo ka tirsan dalal ay Soomaaliya xiriir leeyihiin sida Safiirka Shiinaha u Jooga Magaalada Nairobi.

RSTV NEWSROOM.