Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xukuumada Masar oo ku dhawaaqday in soo dhaweynayso heshiiskii Cadan hogaamiyaasha Soomaalida ay ku gaareen.

Wasiirka arrimaha dibada wadanka Masar Axmed Abul-Qeyth, ayaa soo dhoweeyey heshiiskii 5-tii bishan ay ku gaareen ay magaalada Cadan ee koonfurta wadanka Yemen madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan Sheekh Adan, isagoo ku tilmaamay heshiiskaasi dhanka wanaaga loo qaaday oo loo baahnaa in kol hore la qaado.

bayaan laga soo saaray xafiiska wasiirka arimaha dibada wadanka masar Axmed Abul qeyth o lagu daabacay wakaalada wararka bariga dhexe ayaa lagu sheegay in masar ay taageero ceen walba siinayso xukuumada federaalka si loo taabo geliyo heshiiskii Cadan waxyaabihii uu qoraayey.

Abulqeyth ayaa sheegay in heshiiskii Cadan uu ahaa mid taariiqi ah oo soo afjaraya qilaafaadkii hogaamiyaasha Soomaaliya isagoo hambalyo iyo bogaadinba u diray madaxweynaha wadanka yaman cali Cabdalle saalax oo uu ku amaanat dadaalkiisa aan hagarta ku jirin .

Alqeyth sidoo kale waxa uu hogaamiyaasha Soomaalida u sheegay in nabad ka dhalata Soomaaliya uu gacanta ugu jiro hogaamiyaasha Soomaalida loona baahanyahay in Soomaalida ay taa gartaan oo danta wadankooda ka shaqeeyaan.

Maxamed Cadde.
RSTV MUQDISHO