|
Markab laga leeyahay isu taga Imaaraadka oo Xarardheere lagu afduubtay.
Hay'adda badaha ee IMB ayaa waxa ay sheegtay in burcad badeed hubeysan ay
soo cusbooneysiiyeen qabashada maraakiibta, iyadoo axadii la soo dhaafay
markab laga leeyahay wadanka isutaga Imaaraadka Carabta laga leeyahay lagu
afduubtay xeebaha dhexe ee Somalia.
Hay'adda IMB ayaa sheegtay in markabkan ay saaran yihiin ilaa 20 shaqaalo
iyadoo sidoo kale uu jiro weerar kale oo lala beegsaday markab kale oo
marayay badaha Somalia, weerarakaasi oo hay'adu ay sheegtay in ragii
geeystay ay ka soo dageen markab ay ku magacday Mather Ship oo ah markab ay
isticmaalaan kooxaha burcad badeedka Somalida ee maraakiibta afduubka u
geysata.
Ku xigeenka Hay'adda IMB ninka la yiraahdo Jenyat Ahayenkar ayaa u
sheegay wakalaada wararka Reuters in xeebaha Somalia lagu heysto 5 markab oo
ay saaran yihiin ilaa 100 badmaax.
markabkan ay burcadu afduubteen ayaa waxaa lagu magacaabaa Almanaar
waxaana shaqaalaha saarnaa markabka ay gudo jireen markii la afduubanayey
cuno cunid ayagoo ka war helay dablay markabka isku faafisay oo la wareegtay
gacan ku heyntoo markabka.
afduubka markabkan ayaa waxa uu kusoo beegmay maalmo ka dib markii iska
hor imaad uu xeebaha Soomaaliya ku dhex maray ciidamo amerikan ah iyo dablay
dooni wadatay.
Maxamed Cadde.
|