Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo & Geedi iyo Maxamed Dheere oo kulamo ay uga socanayaan magaalada Adis ababa.

Madaxweynaha dowlada kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa galabta dib ugu soo laabtay gudaha magaalada Baydhabo ka dib markii muddo todobaad ah uu safar dibada ah kaga maqnaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ayaa markii ay kasoo dageen garoonka dayaaradaha magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyey xubnaha labada gole ee halkaasi ku sugan iyo dadweyne aad u fara badan oo reer baydhabo ah.

C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen wasiirkiisa maaliyada Saalim Caliyow Ibrow ayaa maalmihii ina dhaafay waxa ay safaro kusoo kala bixiyeen wadamada Bilgimka,Suudaan iyo wadanka Kenya waxaana magaalada Brussels ay heshiisyo kula soo saxiixdeen midowga yurub.

Madaxweynaha ayaa u sheegay saxaafada markii uu kasoo degay garoonka dayaaradaha magaalada Baydhabo in magaalada Brusels heshiiskii ay kula soo gaareen midowga yurub uu ahaa mid shacabka Soomaaliyeed si weyn ugu adeegaya isla markaana ka kaabaya dhinacyo fara badan isagoo sheegay in haatan ay ka heleen beesha caalamka damaanad qaad buuxa oo lagu caawinayo shacabka iyo dowlada kmg ah.

Dhianka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta Axada ah ay magaalada baydhabo kusoo laaban doonaan wufuud ay kala hogaaminayaan ra'isulwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka kuwaasi oo haatan ku kala sugan magaalooyinka Adis ababa iyo Dubay.

Ra'iuslwasaare geedi oo haatan ku sugan magaalada Adis ababa ayaa waxaa halkaasi kulamo uu kula leeyahay gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Maxamed Dheere si loo dhameeyo qilaafaadkii labada dhinac soo kala dhex galay waxaana kulamadan xiriirinaya saraakiil sar sare oo dowlada mele zanawi ka tirsan halka gudoomiyaha baarlamaanka uu ku sugan yahay magaalada Dubay ee Imaaraadka carabta.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU