Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xildhibaano Baydhabo maanta soo gaaray iyadoo kuwa kalena oo ka ambabaxeen.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa sheegaya in maanta magaalada ay ka ambabaxeen dhowr xildhibaan oo safaro kala duwan ugu kala kicitimay dalka dibadiisa , halka isla magaalada Baydhabo ay soo gaareen xildhibaano kale hor leh.

Xildhibaanadii maanta ka dhoofay magaalada Baydhbabo waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Boorinle , Nuur Wabar iyo C/rashiid Cirro oo u socdaalay magaalada Qaahira, halkaasi oo ay kaga soo qeyb gali doonaan kulan ay yeelanayaan xubnaha baarlamaanada Carbeed.

Sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo uga ambabaxay howlo caafimaad xildhibaan Cabdi Warsame Isaaq iyo Xildhibaan Sheekh Xasan oo la sheegay in xanuuno ay la soo gudboonaadeen.

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Baydhabo soo gaaray xildhibaano ay ka mid ahaayeen Injineer Maxamed Xuseen Caddaw iyo Qadar Biixi Caalim ahna wasiir ku xigeenka ka hortaga masiibooyinka iyo aafooyinka kuwaasi oo kasoo kicitimay gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Baydhabo ayaa waxaa iminka ku sugan xubanaha ugu badan ee labada gole ee dowladda kmg ah waxaana iminka ay ku holwn yihiin ka gudbida qilaafaadkii mudadii sanadka ahaa hadadka geliyey howlihii shacabka.


Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU