|
Xarunta Ibnu Baaz ee Magaalada Muqdisho oo Maanta Deeq lacageed
Guddoonsiiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha.
Maamulka xarunta Ibnu Baaz ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq
lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraaha si loogu caawiyo dadka
abaaruhu ay ku hayaan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
Maamulaha markazka Ibnu Baaz ee magaalada Muqdisho oo ka hadlay xafladii
kadhacday xarunta Ibnu Baaz ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay deeqdan
lacageed in ay iska soo uruuriyeen haweenka wax ka barta markazka oo u
damqaday walaalahooda ku tabaalaysan gobollada koonfureed ee dalka
Soomaaliya.
Gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Sheekh Axmed Max'ed Sulaymaan oo ka
hadlay munaasabadii maanta deeqdaas lagu gudoonsiinayay guddiga gurmadka
abaaraha ayaa uga mahad celiyay maamulka Ibnu Baaz kaalmada lacageed oo
gaaraysay 4160 kun oo shilin Soomaali ah oo ay ugu deeqeen walaalahooda
abaaruhu ku hayaan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya, waxa uuna ugu duceeyay
in Allaah uu ugu badalo sadaqadii ay la baxeen wax ka khayr badan .
Dhanka kale Sheekh Axmed Max'ed Sulaymaan gudoomiyaha guddiga gurmadka
abaaraha waxa uu sidoo kale sheegay guddigii ay u direen gobolka Gedo oo
todobaadyadii lasoo dhaafay kormeerka ku marayay halkaasi dib in ay ugu soo
laabteen magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in ay qaban doonaan guddigaas
shir jaraa'id uu ku qaban doono xarunta guddiga gurmadka abaaraha kaasoo uu
kaga hadlayo dhibaatooyinkii abaareed ee uu kusoo arkay gobolladii uu
booqday.
Waxa uuna intaa kudaray sheekh Axmed in ay soo bandhigi doonaan xaalada
dadka ku dhaqan gobolladaas abaaraha ay ku dhufteen iyo waliba waxyaabihii
guddiga gurmadka abaaraha ay ka qabteen.
Maxamed Cadde.
RSTV MOGADISHU
|