Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

WFP oo sheegtay in cunada au ka yareyso qaxootiga Soomaalida iyo Sudaneska ee wadanka kenya ku sugan.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday maalinimadii Talaadada in ay hoos u dhigeyso gargaarkii ay u fidinaysay 230 kun oo qaxooti Somaali iyo Sudanes isugu jira oo ku dhaqan wadanka Kenya sababo la xiriira hoos u dhac ku yimid lacagihii gargaarka lagu sii wadi lahaa.

Agaasimaha barnaamijka cunada aduunka ee wadanka Kenya Tisime Nigashe ayaa sheegay in hoos loo dhigay 20% gargaarkii ay qaxootigaasi u fidin jireen waxaana uu xusay in hoos u dhaca ku yimid maalgelinta ay ku wargelisay talaabtaa in ay qaadaan.

Nigashi ayaa sheegay in qaxootiga uga soo cararay wadamadooda sababaha la xiriira dagaalada sokeeye ee wadamadooda ka ololaya ee ku jira xerooyinka qaxootiga ee goobaha lama dagaanka ee bariga Kenya laga bilaabo todobaadkan hoos loo dhigi doono cunooyinka la siin jiray oo la siin doono maalintiiba 1750 kilokalari taasi oo marka la eego si aad ah uga yar cunooyinkii horey loo siin jira.

“ Hoos u dhigidan dhanka cunooyinka ah waxa uu inoo suuro gelinayo in cunada haatan aan faraha ku hayno ay na gaarsiiso dhowrka bilood ee soo socota” ayuu yiri agaasimaha barnaamijka cunada aduunka ee wadanka Kenya Tasima Nigasha .

Dhanka kale Barnaamijka cunada aduunka ayaa shaaca ka qaaday inuu haatan si aad uu ugu baahan yahay lacag gaareysa 5 milyan oo doolar oo dheeraad ah si qaxootiga Kenya ku sugan loo siiyo cunnooyinkii loogu tala galay inta laga gaarayo 14-ka bisha Luulyo waxaana sidoo kale barnaamijka cunada aduunka uu sheegay in loo baahanyahay 14 malyuun oo doolar oo kale si dadkan gargaarka loogu sii wado inta sanadkan uu ka dhamaanayo.

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM