Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo wadamada carabta oo baaq u jeediyey .

Danjire C/laahi sheekh Ismaaciil oo ah wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa ka codsaday dalalka carbeed iney dhiibaan Deeqdii lacageed ay u ballan qaadeen dowladda Federaalka KMG ah Soomaaliya si dowladiisa ay ugu suura gasho dib u dhiska dalka oo ay burburiyeen dagaallo ahli ah oo ka socday muddo 15 sanadood ah.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo u warrmayay idaacad ku lagu Magacaabo CODKA CARABTA, Wasiirka ayaa Cadeeyey Qodobada looga hadli doono shir ay Madaxda dalalka carabta Ku yeelan doonaan magaalada Khurtuum ee xarunta dalka Suudaan Bishan dabayaaqadeeda.

“shir madaxeedka dowladaha carabta ee ka furmi doona magaalada Khurtuum ajandayaasha looga hadli doono waxaa ugu horreeyay arrimaha Soomaaliya, waxaana rajaynaynaa in ay kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah oo wax u tara guud ahaan shucuubta carabta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta si weyn u sugaya kaalmada walaalahooda carbeed” ayuu yiri danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo intaas kusii daray “waxaa la soo gaaray xilligii dowladaha carabta iyo kuwa beesha caalamka ay bixin lahaayeen kaalmadii lacageed oo ay u ballan qaadeen dowladda Soomaaliya oo iminka kasoo kabsanaysa khilaafkii la haray ee ka dhashay is faham soo kala dhax gashay masuuliyiita dowladda”.

Wasiirka waxa uu sheegay dowladdiisa in ay qaaday tallaabooyin horumar leh oo ku aadan sidii ay dib ugu soo nooleyn lahayd hay’adihii qaranka ee bur buray, hayeeshee waxa uu wasiirka carabaabay in dowladdiisa ay si aad ah ugu baahan tahay taageerada carabta iyo tan beesha caalamka.

Codsgia wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli QM ay ka codsatay dalalka deeq bixiyayaasha aduun gaaraya $327 milyan oo dollar si wax ugu qabtaan dadka ku tabaalaysan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya iyo iyadoo heya,do Reer kuweyt ah ka bilaabeen Soomaaliya qeybinta Gargaar raashin ah.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU