|
Wasiirka gaashaandhiga dowlada kmg ah ee Soomaaliya oo beeniyey wararka
sheegaya in ciidamada ku xareysan xerada Ceel Gaal loo wareejin doono
Baydhabo.
Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga dawladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya
Cumar Aadan Xasan Cumar Dheere ayaa maanta gaashaanka u daruuray isla
markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in lagu amray
maliishiyooyinka ku xaraysan xerada Ceel Gaal ee duleedka magaalada
Baladweyne in ay halkaasi isaga soo hayaamaan oo ay yimaadaan magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka bay halkaasio oo ay ku sugan yihiin
masuuliyiinta dowladda.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in aanay jirin wareegto kasoo baxday
wasaarada gaashaandhiga oo ay amar ku bixinaysa in maliishiyooyinka Ceel
Gaal ku sugan ay usoo wareegsadaan xerada daynuunay ee duleedka magaalada
Baydhabo.
Cumar Dheere waxa uu xusay ciidamada ku jira xerada Ceel Gaal ay sii joogi
doonaan xeradooda, iyadoo dowladdana ay bixin doonto qarashaadka ku baxaya ,waxaana
hadalka Cumar Dheere uu u muuqdaa mid meesha ka saaraya warar hore usoo
baxay oo sheegayay in ciidamadaas lagu amray in ay kusoo xaroodaan magaalada
Baydhabo.
Hadalka wasiirka ayaa ka danbeeyay markii saraakiisha maliishiyooyinkaasi ku
sugan duleedka magaalada Bakladweyn ay sheegeen maalinimadii shalay ahayd in
lagu amray in ay maliishiyooyinkaasi laga soo raro Balasdweyn oo loo soo
rarao magaalada Baydhabo laakiin saraakiisha Xerada Ceel gaal ayaa sheegay
in warkaasi uu yahay mid aysan qaadan karan.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
|