Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka beeraha Soomaaliya oo kulan la qaatay ra'isulwasaaraha Yaman.

Wasiirka beeraha dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya Xassan Maxamed Nuur oo haatan ku sugan magaalada Sanca ee caasimada dalka Yaman ayaa kulan magaaladaasi kula qaatay maanta ra'isulwasaaraha dalka Yaman C/qaadir Baajamaal.

Kulankan dhex maray wasiirka beeraha Soomaaliya iyo ra'isulwasaaraha Yaman ayaa la isula soo qaaday xaalada wadanka Soomaaliya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga walaaltinimo ee labada dal ka dhaxeeya.

Wasiirka beeraha Soomaaliya Xassan Maxamed Nuur (Shaati Guduud) oo kulankaasi ka dib hadlay ayaa sheegay in dowlada Yaman dadaalkii ay ku bixisay geeddi socodka nabada Soomaaliya aan la iloobi kareynin isagoo sheegay in qabsoomida kalfadhiga baarlamaanka ee Baydhabo ay dowlada Yaman ka cayaartay kaalin muhiim ah oo aan la yareysan karin.

Shaati Guduud waxaa kaloo uu sheegay in mirihii ka dhashay dadaalkii Yaman ay ku bixisay isu soo dhaweynta kooxaha Soomaalida iminka ay guranayaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta ku noolaanaya buu yiri Shaati Guduud baarlamaan mid ah oo hal meel kuwa shiraya.

Ra'isulwasaaraha wadanka Yaman C/qaadir Baajamaal oo iska kulankaasi ka dib hadal jeediyey ayaa sheegaya in dowlada Yaman ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan taageerida shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed isagoo waliba sheegay in Yaman aanay ku ekaan doonin taageero balse caalamka oo idilna ay ugu yeereyso qeyb ka qaaadaashada dib u dhiska mu'assasaadka dowlada ee buuburka xooggani uu soo gaaray.

C/qaadir Baajamaal ra'isulwasaaraha wadanka yaman waxaa kaloo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u rajeynayo guul isagoo sidoo kalena xusay in dowlada kmg ah ee Soomaaliya uu u rajeynayo in ay ku guuleysato howlaha muhiimka ah ee horyaalla ee dhinacyada kala duwan leh sida amaanka,arimaha bulshada iyo caafimaadka.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM

Mcadde@rstvonline.com