Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo hor dhigay carabta qorshe wax loogu qabanayo dadka abaara ay Soomaaliya ku heyso.

Wasiirka Arrimaha dibada Carabta C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka qeyb galay kulankii ay ku yeesheen xarunta jaamacada Carabta ee magaalada Qaahira ayaa ka codsaday dowladaha Carabta in ay kaalmo deg deg ah la gaaraan ku dhawaad 2 milyuun oo qarka u saaran gaajo iyo harraad in ay ugu geeriyoodeen qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo kaga qeyb galay magaalada Qaahira kulankii 125aad ee wasiiro arrimo dabadeedyada carabta ayaa waxa uu sidoo kala ka codsaday dowladaha carabta in ay ka taageeraan dowladdiisa dib u howl gelinta hay’adaha qaranka ee burburay si dowladdiisa ay ugu guulaysato in awoodeeda ay ku ballaariso gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya waxa uu xusay shacabka Soomaaliyeed in ay iminka u baahan yihiin taageerada dowladaha carabta, isagoo ku booriyay dowladaha carabta kaalin muuqato in ay ka ciyaaraan dib u dhiska dalka oo burbur baaxad leh uu kasoo gaaray dagaalladii ahliga ahaa ee ka dhacayay 15kii sanadood ee lasoo dhaafay.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil waxa uu ugu baaqay dalalka Carabta in ay soo dedajiyaan sanduuqii taakulaynta dowladda Soomaaliya oo lagu ansixiyay shir madaxeedkii carabta ee ka dhacay dalka Aljeeriya oo loogu ballan qaaday $26 milyan oo doolar.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM