Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wasiirada arimaha dibada carabta oo arimaha Soomaaliya maanta isla falanqeynaya.

Wasiiro arrimo dabadeedyada carabta ayaa waxaa maanta uu kulan uga furmay xarunta jaamacada carabta ee magaalada Qaahira, kaasoo socon doona muddo laba maalmood ah, iyagoo uga wadahadli doona xaaladaha siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee ka taagan dalalka carabta iyo waliba diyaarinta ajandaha looga hadlayo kulan madaxeedka hogaamiyayaasha carbeed ee ka dhacaya magaalada Khurtuum dabayaaqada bishan aynu kujirno

Wakiilada rigliga ah ee dowladaha xubnaha ka ah jaamacada carabta ayaa waxa ay shalay soo gabagabeeyeen diyaarinta mashruuca looga hadlayo kulanka ay yeelanayaan ku dhawaad 20 kamid ah wasiiro arrimo dibadeedyada carabta, waxaana la filayaa in ay kawadahadlaan xaaladaha kusoo kordhay dhulka Falastiiniyiinta kadib guushii Xamas, arrimaha Lubnaan, Suuriya iyo arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada carabta ee Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo kulankaas ka qeyb galaya ayaa waxa uu hordhigi doonaa wasiirada Carbeed qorshayaal taageero uu ugu raadinayo dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo u muuqata mid kasoo kabsanaysa khilaafaadkii la haray.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ka dalbanaya wasiirada arrimaha dibada carabta mashruuc dowladiisa ay ku doonayso in ay ku hanato taageerada carabta iyo sidii dalalka carabta ay gacan uga gaysan lahaayeen nabad kusoo dabaalida dalka iyo waliba dib u dhiskiisa.

Wakiilka gaarka ah ee jaamacada carabta uga qeyb galay munaasabadii furitaanka kalfadhiga baarlamanka Saalim Alqubaysi ayaa sheegay jaamacada carabta kaalin muuqata in ay ka qaadan doonto dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dib usoo celinta karaamada iyo qaranimada Soomaaliyeed, waxa uuna carabka ku dhuftay xoghayaha guud ee jaamacada carabta Caamir Muusa in uu dhawaan usoo magacaabi doono dalka Soomaaliya ergay gaar ah oo si deg deg ah uga howl gali doono gudaha dalka Soomaaliya.

Jaamacada carabta oo u muuqata mid ka seexatay arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay haatan u muuqataa mid boorka iska jafaysa oo usoo tafaxaydatay in ay bar bar istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo bilaabay mashaariic wax loogu qabanayo danyarta Soomaaliyeed in ay ka hirgeliyaan gudaha dalka Soomaaliya

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU