|
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Kenya oo manata ka qeyb
galay kalfadhigii mudanayaasha baarlamaanka Soomaalida ay ku yeesheen
Baydhabo.
Waxaa maanta mgaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dib uga furmay
kulankii mudanayaasha baarlamaanka ay halkaasi ku yeelanayeen waxaana
kulankii maanta soo xaadirey xildhibaano 205 kor u dhaafayey iyo xubno
beesha caalamka ka socotay.
Kulankii maanta ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka waxaa shir
gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka kmg ah ee
Soomaaliya waxaana loooga hadlayey heer hoosaadka baarlamaanka gaar ahaan
dhisida gudiyada baarlamaanka uu yeelanayo ayadoo kulankii kan ka horeeyey
ay mudanayaashu isku r aaceen in la saaro guddi garyaqaano ah oo arinkan
kasoo baaraandaga.
Kulankii maanta ka sokow mudanayaasha baarlamaanka waxaa hadalo ka
jeediyey wasiir ku xigeenka arimaha dibada wadanka Kenya oo maanta isaga iyo
wafdi uu hogaaminayo ay maanta magaalada baydhabo soo gaareen.
Wafdigan wasiir ku xigeenka arimaha dibada Kenya ayaa waxa ay la socdeen
wafdi ballaaran uu horkacayyey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya
Cabdullaahi Shekh Ismaaciil kaasi oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee
xarunta dalka Kenya waxaana maanta xubnihii wasiirka la socday ay si wada
jir ah uga qeyb galeen kulankii baarlamaanka ee maanta baydhabo dib uga
furmay.
Maxamed cadde
RSTV NEWSROOM
|