Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wafdi kasocda Beesha Caalamka oo Maanta Baydhabo gaaray.

Wafdi ballaaran oo ka socda QM, midowga Yurub iyo beesha Caalamka ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,iyadoo soo dhaweynta wafdigaasi ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowladda.

Wafdigan oo ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda deeq bixiyayaasha, midowga Yurub iyo hay'ada UNDP ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda oo ay kamid ahaayeen ra'iisul wasaaraha dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Cali Max'ed Geeddi iyo wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Aadan Jurille.

Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga C/risaq Jurille oo shir jaraa'id qabtay kadib marki lasoo gaba gabeeyay kulankaas ayaa sheegay in labada dhinac ay isla garteeen tababar in loo furo 500 oo maliishiyooyin iyo boolis si ay ula wareegaan sugitaanka amaanka magaalada Baydhabo iyo arrimo kale oo ay kamid ahaayeen dayactir lagu sameeynayo xabsiga iyo saldhiga booliska magaalada Baydhbao.

Wafdigan ayaa waxa ay sidoo kale booqdeen xerada Daynuunaay, halkaasoo ay kujiraan 3 kun oo maleeshiyo, iyadoo wafdigana uu u balan qaaday maliishiyooyinkaas in lasiin doono mushaaraad joogto ah.

Wararka wadanka Yaman ayaa sheegaya in laga helay xeebaha wadankaasi helay meydadka 20 qof oo ah tahriibayaal Soomaali ah xeebaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay soo caariyeen.

Dadkan maydadkooda laga helay xeebaha dalka Yemen maalintii sabtida ahayd ayaa la sheegayaa in ay ku hafadeen badda, kadib markii ay la degtay laashkii ay lasocdeen oo ahaa mid tayadiisu liidato.

Saraakiisha ciidamada xeebaha ilaaliya ee dalka Yemen ayaa ku warramay maydadka dadkan kusoo caariyay xeebaha dalka Yemen in ay laashash kasoo raaceen xeebaha bari ee dalka Soomaaliya, halkaasoo laga soo raro laashash ay kaxaysteen kuwo calooshood u shaqaystayaal ah oo aan u damqan kumanaanka qof ee ku hafada biyaha badda.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU