Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Wadaad Muqdisho lagu qafaashay oo lasii daayay.

Sheekh Muxyadiin Xasan Axmed oo ahaa wadaad shalay lagu afduubtay Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu guuleystay in lasii daayo kadib markii ay arinta soo dhexgaleen odayaal wadahadal ufuray Qoyska wadaadka iyo ganacsade Bashiir Raage shiiraar oo ay Maleyshiyadiisu afduubkaasi geysateen.

Sida uu RSTV usheegay Sheekh Muxyadiin lafahaantiisa Markii lasii daayey kadib,waxa wadaadku sheegay in sababta loo xiray ay aheyd Markii uu isaga Booqday Guriga Bashiir Raage oo uu doonayey inuu la kulmo laakiin markii uu tegay guriga ayey Maleyshiyadii ilaalada aheyd usheegeen inuu Bashiir Raage Maqan yahay kadibna ay Qabteen iyagoo kuu eedeynaya inuu Weerar ku ahaa Bashiir uuna dili lahaa.

“Waxaa ley geeyey Qol Mugdi ah Madaxa ayaana layga xiiray, waxay nimankii ixiray igu Yiraahdeen wadaad Waan kaa shakinay hada laga bilaabana waa lagu baarayaa”ayuu yiri sheekh Muxyadiin oo ah Wadaad lagu yaqaanay Jarida gacmaha xiligii ay shaqeyn jirtay maxkamadii Waqooyiga Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya iney Bashiir Raage lasoo Xiriireen Ganacsato iyo Nin Maleyshiyo iyo Tikniko ku heysta Xaafada SiiSii ee Degmada yaaqshiid oo la yiraahdo “ Nuur Daqle” oo ay xigto yihiin Wadaadka la qabtay sidaana uu Bashiir uga ogolaaday in lasii daayo wadaadka. iyo wiil yar oo uu dhalay.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM