|
Soomaalida ku nool Koonfurta Afrika oo markii ugu horeysay Muddo dheer
kadib la siiyey sharci dalkaasi ay ku joogaan.
Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Toddobaadkani
Gudihiisa boqolaal Soomaaliyeed ay heleen sharciga degenaashaha waddankaasi
oo isagu sharcigiisu ahaa mid si adag lagu qaato. Dad fara badan oo Soomaali
ah ayaa sanadahan dambe ku sii qulqulayay waddankaasi, kuwaasi oo halkaasi
ka sameystay mehrado kala duwan oo aad u fara badan, iyadoo la sheegay in ay
wax ka badaleen ganacsigii waddankaasi, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed
waxaa u dheer dilka, dhaca iyo kufsiga loo geysanayo,
waxaa labadii sano ee la soo dhaafay waddankaasi lagu dilay ilaa
lixdameyo qof oo Soomaali ah kuwaas oo loogu dhacay guryahoodii. Bixinta
sharcigan cusub ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed ee
ku nool dalkaasi, iyagoo ku tilmaamay mid sii xoojinaya xiriirka u dhaxeeya
shacabka Soomaaliyeed iyo reer Koonfur Afrika, waxaana la filayaa in
sannadka soo socda iyana ay qaataan sharcigan boqolaal qofood oo Soomaali
ah. Waa markii ugu horeysay oo Soomaalida kudhaqan
Wadanka Koonfur Afrika loo ogolaado in sharci ay kujoogaan Wadankaaasi
lasiiyo iyadoo horey Soomaalida halkaasi ku dhaqan Sharciga intii ay
raadinayeen lakulmayay Xarig, Dil iyo waxyaalo lamid ah.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|